26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

CCC oo xilka ka qaaday wasiir miisaan cuslaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Boostada Iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Somaliya Guuleed Xuseen Qaasim.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu cadeeyay xi ka qaadista Wasiirkaasi, waxaana xilkaan loo magacaabay Maxamed Jaamac Mursal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.

Digreetada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu cadeeyay markii uu arkay qodobka 97 farqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka Markii uu arkay; xeer Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Markii uu arkay baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News