30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Xog: Khilaafka Jawaari iyo Shariif Xasan oo laga cabsi qabo in saameyn uu ku yeesho Xasan Sh.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in khilaaf adag uu iminka ka dhextaagan yahay Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in khilaafka uu ka dhashay hanaanka la doonaayo in Beelaha dega Koonfur Galbeed loo gaarsiin lahaa xubinimadooda BFS.

Waxaa jira warar sheegaya in Jawaari uu aad uga carooday dibin daabo uu Shariif Xassan la damacsan yahay beelaha qaar oo iyagu dacwad ka ah Madaxweynaha maamulka.

Guddoomiyaha BFS Jawaari ayaa isaga aad uga soo horjeeda in Beelaha ku hoos-nool maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia la kala qaad-qaado islamarkaana la kala faquuqo, waxa uuna awoodiisa isugu geynayaa sida beelaha halkaasi wada dega ay ku heli lahaayen xuquuq siman oo aysan dhicin in beelaha qaar laga tago.

Waxaa cabsi laga qabaa in Khilaafka ka dhextaagan Jawaari iyo Shariif Xassan uu saameyn xoogan ku yeesho ololaha doorashada Xassan Sheekh Maxamuud iyo in Xassan Sheekh uu codad ka helo Xildhibaanada Koonfur Galbeed uga mid noqon doona BFS.

Madaxweyne Xassan ayaa aad ugu tashanaaya Shariif Xassan Sheekh Aadan, waxaana suuragal ah in xurgufta ka dhextaagan labada mas’uul uu hoos u dhigo rajada Xassan Sheekh, maadaama Xassan iyo Jawaari ay uu sii xoogeystay xiriirkooda.

Ma cadda sida lagu qaboojin lahaa Khilaafkaani taagan, inkastoo ay suuragal tahay in Xassan Sheekh uu xal u raadiyo, bacdamaa ay saameyn ku yeelankarto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News