Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay eedeyn dhawaan ay sheegeen iney kasoo baxday maamulka Galmudug oo aheyd iney door ku leeyihiin dagaalada ka dhacaya deegaanka Daac-dheer oo ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia.
Wasiirka amniga maamulka Puntland ayaa sheegay in marnaba aysan ka qeyb qaadan dagaalada dhacay, balse Galmudug ay tahay cidda ka dambeysa dagaalada ka dhacaya deegaanada Xuduuda.
Wuxuu sheegat Cabdi Cali Xersi Qarjab in maamulka Galmudug ay iyaga ka dambeeyaan dagaalada dhacaya ayna bilaabeen iney qeylo dhaan muujiyaan sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland aysan ka qeyb qaadan waligeed dagaalo ka dhacay dhanka xuduuda, isaga oo intaasi ka cararaya dowlada Ethiopia, waxaana muuqata inuu Galmudug kaga hiiliyay DDSI.
Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

