27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xildhibaannada BFS oo laga joojiyey safarrada.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa goordhow ku dhawaaqay in la joojiyay Safarada Xildhibaanada Baarlamaanka ay ugu bixi jireen dalka dibadiisa.

Jawaari waxa uu sheegay in Guddoonka sare iyo Dowladuba aysan mas’uul ka aheyn dhaqaale waliba oo ku baxaaya Safarada Xildhibaanada xiliyada ay u socdaalayaan howlo shaqo.

Jawaari waxa uu sheegay in arrintaasi ay sabab u tahay dhaqaale xumi soo foosdaartay Dowlada, xili loo diyaar garoobaayo doorasho.
Waxa uu Jawaari sheegay in Xildhibaanka uu safrikaro balse uu jeebkiisa ka bixinaayi dhaqaalaha ku baxa safarkiisa.

Jawaari waxa uu cod dheer ku sheegay in Dowlada Federaalka aysan awoodin in xiligaani ay bixiso dhaqaalaha ku bixikaro Safarada Xildhibaanada, waxa uuna si dadban u sheegay in go’aan kaasi lamid ah uu kasoo bixi doono Xukuumada kaasi oo saameyn doona Safarada.

Mid kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho u sheegay in go’aanka kasoo yeeray Jawaari uu yahay mid la wada filaayay, islamarkaana aan dhalanteed ku aheyn Xildhibaanada.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada BFS ayaa ka dooday ilaa Seddex ajande oo ay ka mid yihiin Hindiso Sharciyeedka , maareynta Maaliyadda , Aqrintii 3aad ee Hindiso Sharciyeedka Xanaanada Xoolaha iyo ka doodista Masiirka Guddiga Xaduudaha iyo Arrimaha Federaaleynta dalka ee Madaxa banaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News