Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, gaaray madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Madoobe iyo Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminaayay.
Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay ka ambabaxeen magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, waxaana lasoo warinayaa in Dowlada Ethiopia ay u yeertay.
Axmed Madoobe ayaa waxaa magaalada Addis Ababa kaga sii horeeyay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil ”Fartaag”.
Ujeedka ay Dowlada Ethiopia ugu yeertay Axmed Madoobe iyo Fartaag, ayaa ah arrimo ay kamid yihiin dhismaha Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland iyo Xildhibaanada la filaayo in xulistooda ay dhawaan bilaabato.
Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa isna ku sugan magaalada Addis Ababa, waxaana lagu wadaa in maanta halkaasi ay kuwada kulmaan, inkastoo aan la xaqiijin karin in Xassan uu halkaasi kusii nagaan doono iyo in kale.
Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo isagu ku sugan magaalada Jidah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa la filayaa inuu soo gaaro magaalada Addis Ababa ee Caasimada Ethiopia.
Dowlada Ethiopia ayaa miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia waxa ayna inta badan Siyaasada Somalia ku dugaashataa Maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyadoo wararka qaar ay sheegayaa in Xildhibaanada Cusub ee labadaasi maamul ay Dowlada Ethiopia wax kasoo dhiseyso.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

