Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Sool, ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa maamulka Somaliland iyo Khaatumo.
Xiisadaani taagan ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland oo aad u hubeysan ay gudaha u galeen deegaano ay maamusho Khaatumo.
Ciidamadaani oo aad u hubaysan kana soo horjeeda maamulka Khaatuma ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.
Ciidanka oo boqolaal gaaraya isla markaana wata hub xooggan ayaa magaalada gudaheeda soo mar maray, dadkana u sheegay in hadda laga bilaabo ammaanka ay iyagu mas’uul ka yihiin isla markaana aan magaalada ammaankeeda waxba laga waydiin karin maamulka Khaatumo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Khaatumo ayaa beeniyay in laga saaray magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn, waxa ayna taa badalkeeda sheegen in magaalada ay xiligaani ku dhex sugan yihiin.
Madaxda Khaatumo ayaa hadda ku jira shir deg deg ah oo ay uga arinsanayaan arrintaani taagan.
Lama oga wixii kasoo bixi doona shirka, inkastoo Saraakiisha ay wadaan Hub uruursi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

