28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog cusub: Addis Ababa oo lagu diyaarinaayo musharaxiinta la tartameysa madaxweyne Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Siyaasiyiin ku dhow dhow mid kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada, ayaa xaqiijiyay in Dowlada Ethiopia ay xooga saareyso in sida ay ku kulmin laheyd Musharaxiinta u taagan Doorashada Somalia.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Dowlada Ethiopia ay bilowday baadi-goobka Musharaxiinta la tartameysa Madaxweyne Xassan Sheekh si ay u hanato Siyaasada Mustaqbalka dhaw.

Musharaxiinta qaar ayaa la sheegayaa inay abaabushay Dowlada Somalia, islamarkaana ay ka taageereyso dhanka doorashada, halka qaarna ay kala wataan Dowlado kale, waxaana iminka aad u sareeya Hamiga Dowlada Ethiopia oo miisaaniyadeeda ku bixineysa hanashada Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa qorshahaasi la sheegay inay ka damacsan tahay burburinta Siyaasadda Xassan Sheekh ee ku aadan Doorashada, waxa ayna xiligaani dhaliilsan tahay dib usoo laabashada Xassan Sheekh.

Lama oga halka ay Musharaxiinta u hogaaminayaan dalka Somalia oo ay hareeraha ka joogan Cadow badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News