Muqdisho (Caasimada Online) – Mooshin nooc cusub ah oo lagu doonayo in beelaha Soomaalida oo dhan ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo gudbiyay shalay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana mooshinkan oo uu qabtay gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dalbanayaa in Baarlamaanka Cusub 2016 lagu soo daro beelaha aan wax xubin ah ku lahayn Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaasheegay in 83 xildhibaan ay gudbiyeen Mooshinka cusub, lagana sugayo in Baarlamaanka la hor keeno.
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/04/Wareysi-Xildhibaan-Maxamuud-Macalin-Yaxye.mp3″]

