Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, waxaa kulan qaatay Seddex saac oo xiriir ah Villa Somalia ku yeeshay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiis Cali iyo Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka oo ahaa mid ka duwan kulamadii hore ayaa waxaa lagu falanqeeyay arrimaha Doorashooyinka iyo kaalinta Guddoomiye Jawaari kaga aadan sidii lagu heli lahaa wakhti yar oo dheeri ka ah doorashada.
Ujeedka kulanka ayaa ah in Xukuumada Somalia loogu darro wakhti siyaado ah si loo dhameystiro howlaha u harsan Xukuumada ee aan wali qabsoomin, iyadoo Jawaari laga dalbaday in arrinta wakhti dheereesiga uu xal u helo.
Ra’isul wasaare Cumar waxa uu dhagta Jawaari ku dhibciyay in arrintaani ay tahay mid ay isla qabaan Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh loona baahan yahay in la helo wakhti kororsi aan sidaa usii buurneyn.
Ra’isul wasaare Sharmaarke waxa uu sidoo kale Jawaari u sheegay inay adag tahay in wakhti kororsiga gaaban ay aqbalaan Beesha Caalamka, balse loo baahan yahay in la helo qorshooyin looga hortagi karo inay hor istaagan damacaani.
Jawaari ayaa dhankiisa ka sheegay in qorshahaasi wakhti kororsiga mudada kooban ah uu shaqsi ahaantiisa soo dhaweynaayo, waxa uuna sidoo kale xusay in Xildhibaanada qudhooda ay soo dhaweyn doonaan maadaama uu iyaguba usii kordhaayo wakhtiga ay shaqeynayaan balse uu la tashiyo la sameyn doono Madaxda kale.
Jawaari waxa uu sidoo kale sheegay in BFS uu horyaalo ajandooyin badan una baahan in wax laga qabto, taasina lagu gaari karo in wakhti loo helo.
Ra’isul wasaare Sharmaarke iyo Jawaari ayaa isla qaada dhigay in arrinta wakhti kororsiga xal degdeg ah loo helo islamarkaana Beesha Caalamka laga dalbado hirgalinteeda.
Arrintaani ayaa muujineysa in Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh ay wakhti lumis ku wado Siyaasada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

