32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Warbixin: Kenya oo xirtay Abu Ramzi oo Dacish..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – War saxaafadeed kasoo baxay saraakiisha ciidamada booliska Kenya ayaa lagu sheegay iney qabteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Daacish ka tirsanaa kuwaasi oo qorsheynayay weeraro qorsheysan oo Kenya ka dhaca.

Booliska Kenya ayaa xalay xabsiga dhigay Muwaadin Soomaaliyeed, xaaskiisa iyo gabar kale oo saaxiibo ay ahaayeen, waxaana booliska ay sheegeen in ninka uu ka tirsanaa Daacish.

Magacyada lasoo bandhigay ayaa lagu sheegay Maxamed Cabdi Cali oo ay sheegeen in Daacish looga dhex yaqaan Abuu Ramzi Ashami, xaaskiisa iyo gabar kale oo saaxiibo ay ahaayeen.

Xaaska Abu Ramzi ayaa magaceda lagu sheegay Nuseyba Maxamed Xaaji halka gabadha kale lagu sheegay magaceeda lagu sheegay Faaduma Maxamed Xaashi.

Qoraalka booliska Kenya ayaa sheegay in Abu Ramzi uu qorsheynayay weeraro halis ah oo Kenya ay ka geystaan kooxda Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News