Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo kamid ah Mudanayaasha BFS, ayaa ka hadlay natiijada kasoo baxday kulan ay wada qaaten Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid iyo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.
Goodax waxa uu sheegay in iyaga oo matalaaya Odayaasha ku shirsan magaalada Beledweyne ay labadaasi mas’uul kala hadleen sida xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanta DF iyo Odayaasha Beledweyne, waxa uuna sheegay in RW CCC iyo Odawaa ay u wakiisheen isku keenida Odayaasha Hiiraan ee ku kala jabay shirka ka socda magaalada Jowhar.
Goodax oo khadka Telefoonka uga qeybqaadanaayay shirka Odayaasha uga socda magaalada Beledweyne, ayaa waxa uu sheegay in Sharmaarke iyo Odawaa ay u cadeeyen inaan awood u laheyn in Odayaal ku kala sugan magaalooyinka Hiiraan iyo Jowhar ay u kala dabqaadan waxa ayna ka dalbadeen in Ergada Hiiraan kaga sugan shirka Jowhar dib loogu soo celsho magaalada Beledweyne si ay kulan u wada qaatan.
Goodax oo arrinta la kulankiisa labada mas’uul ka hadlaayay ayaa yiri ”Ra’isal wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha wadda tashi kaddib waxay nagu soo celiyeen inay aq-baleen dalabkii aan u soo jeedinay, intaa kaddibna waxaan weydiinay fariinta ay noo dhiibayaan waxay tahay si aan arintan u guda-galno, waayo su’aal ayay na weydiin doonaan duubabka dhaqanka, ma waxaan u sheegnaa in wax kasta Jowhar iyo Sh/dhexe loogu roonaaday, mise gobolka Hiiraan wax cad oo aad leedihiin waxaas iyo waxaas ayuu mudan yahay oo aad noo sheegi kartaa ayaa jirta, waan ka soo tashaneynaa ayeey nagu dhaheen, ilaa iyo haddana dib nooguma soo noqon, waxaad moodaa in arintaa ay ku yara adkaatay”
Goodax waxa uu sheegay in guul uu ka filan doono isku keenida Odayaasha Beledweyne ku shirsan iyo kuwa ay DFS heshiiska la gashay ee la geeyay magaalada Jowhar.
Waxa uu dhaliilay caga jiidka ay Dowlada Somalia wado waxa uuna shaki galiyay in Dowladu ay guul ka gaari karto shirka Jowhar haddii uu arrinku sidaa yahay.
DFS ayaa ku jahwareersan kulamada ka kala socda magaalooyinka Jowhar iyo Hiiraan, waxaana sidoo kale si wanaagsan ugu qabsoomi la’ shirka Jowhar oo ahmiyad gaar u leh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

