26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Xeebaha Somalia oo laga helay sanduuqa madow ee keydiya sirta diyaaradaha (Yaa helay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Xeebta Degaanka Garacad laga helay sanduuqa xogaha diyaarada keydiya ee loo yaqaan ”Sanduuqa Madow”.

Xubno ka tirsan maamulka Degaanka Garacad ee hoostagta Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in Sanduuqa Madow ay badda soo caarisay.

Maamulka ayaa sheegay in sanduuqaasi ay kusoo war galiyeen dadka deegaanka, islamarkaana ay wadaan baaritaano lixaad leh oo ay ku ogaanayaan waxa ku jira sanduuqaasi.

Maamulka ayaa sheegay haddii ay dhabtahay in sanduuqa madow uu noqdo waxa ay hayaan ay ku wareejin doonaan maamulka si ay ugu sii wareejiyaan Dowlada.

Inta badan xeebaha Somalia ayaa waxaa xiliyada qaarkii laga helaa qalab ay soo caariso badda kaasi oo aan ugu danbeyntiisa la garan halka uu ka imaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News