Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa kulan uu albaabada u xirnaa la qaatay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Dalka, Ibraahim Iidle Suleymaan.
Dalabka kulanka ayaa la sheegayaa inuu lahaa Madaxweyne Xassan, iyadoo diirada lagu saaraayay isbedelka iyo howlaha looga baahan yahay in Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Dalka uu fuliyo.
Madaxweyne Xassan iyo CC oo fursad u helay Guddoomiyaha Cusub ayaa kala hadlay arrimo gaar ah, waxaana jira warar sheegaya in Xassan Sheekh uu Guddoomiyaha culeyska ku saaray inuu jaan-rogo dadaalka lagu doonaayo in lagu hirgaliyo doorashada dalka, sida ay xogtu sheegeyso.
Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare CC ayey xogtu tibaaxeysaa in Guddoomiyaha Cusub ay hor dhigeen qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay doorashada iyo in qaab sharci ah loo maro baajinta doorashada, waxa uuna Heshiiskaasi qeyb ka yahay shuruuda lagu keenay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.
Xassan iyo CC waxa ay sidoo kale Ibraahim Iidle Suleymaan ka dalbadeen inuu ka fogaado la kulanka Xisbiyada kasoo horjeeda Siyaasada iyo in howl waliba uu kusoo wargaliyo Madaxtooyada.
Lama oga in qodobadaasi uu aqbalay Ibraahim Iidle Suleymaan iyo in kale, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Heshiiskaasi uu soo dhaweeyay.
Si kastaba ha ahaatee, Sababta ugu weyn ee Ilka-xanaf xilkaasi looga qaaday ayaa la sheegayaa in koow ay ka aheyd in Xassan Sheekh uu helo wakhti kordhin, taasina ay khasabtay in la laalo Ilka-xanaf oo aan bilihii ugu danbeeyay xiriir wanaagsan kala dhexeyn Xassan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]