Mqudisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Samad Macalin Maxamuud oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay qalad uu dhawaan galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ra’iisul wsaaraha uu galay ka galay wasaarada ay hoostagto hayada nabad sugida qaranka Soomaaliya markii la baarayay eedeyntii loosoo jeediyay hayad NISA.
Wuxuu sheegay in ra’iisul wasaaraha kaliya uu iska magacaabay gudi, balse uu la tashi ka gelin wasaarada hayada hoostagto, sida uu hadalka u dhigay C/samad Macalin Maxamuud.
“Ma aheyn Ra’iisul Wasaaraha inuu guddi u magacaabo eedeymaha NISA loo soo jeediyay, sababtoo ah Nabad Suggida waxa ay hoostagtaa Wasaarad waa inuu u yeeraa Wasiirka oo uu wax ka weydiiyaa arintaasi.” Ayuu yiri C/samad.
Wuxuu sheegay in aragtidiiisa isaga oo ku cabiraya iney qalad aheyd in ra’iisul wasaaraha uu go’aankaasi gaaro, sida uu sheegay.
“Arimaha qaarkood in Guddi loo xil saaro ilama ahan, sababtoo ah waxa ay muujinaysaa in Hay’adaha Dowladda dhexdooda aysan isku kalsooneyn.” Ayuu Warkiisa sii raaciyay Xildhibaan C/samad.
Caasimada On line
xafiiska Muqdisho
[email protected]