28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo weeraray DF Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Kenya oo laga soo doorto magaalada Gaarisa ayaa dhaliil u jeediyay dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka kuna wajahan dadka qaxootiga ah ee ku sugan Dhadhaab.

Xildhibaan Aadan Barre, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan kasoo bixin kaalintii laga sugayay oo ku aadan dhanka wax u qabashada qaxootiga Soomaaliyeed oo muddo ku dhow 30 sano ku sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya laga doonayay iney si dhow ula socoto dhibaatada heysata shacabka ku sugan xeryaha Dhadhaab, maadaama aysan jirin dad kale oo daneynaya qaxootiga Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay beesha caalamka oo uu sheegay iney ka gaabisay wax u qabashada qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in beesha caalamka dadka ka socda ay ku socdaan baarbuur qabow iyo diyaarad halka qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya aysan heesan cunti xittaa iska daa wax kasta kale oo nolasha lagu maareeyo.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in marnaba uusan taageersaneen go’aanka dowladda Kenya ay hal mar ku xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News