Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa la soo sheegayaa in cadaadin xoogan uu iminka ku bilaabay Odayaasha matala Beelaha kasoo jeeda deegaanada hoostaga maamulkiisa.
Shariif Xassan oo kulamo hordhac ah la qaatay Odayaasha ayaa uga digay in maamulka ay uga faradheereyaan soo xulista Xildhibaanada maamulka uga mid noqon doona Baarlamaanka weyn ee dalka.
Shariif Xassan ayaa Odayaasha u sheegay in awoodooda ay ku egtahay keliya soo jeedin, wixii intaa ka badan ay mas’uuliyadu tahay mid dusha ka saaran maamulka.
Odayaasha ayuu uga digay inay ka qeyla dhaamiyaan warbaahinta waxa uuna ugu baaqay in rabitaankooda ay usoo gudbiyaan maamulka.
Shariif Xassan ayaa Siyaasad ahaan xiligaani ku dhow Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uuna cadaadintaani ula gol leeyahay hirga heshiis hoosaad kala dhexeeya Xassan si uu codad uga helo Xildhibaanada maamulka uga mid noqon doona Baarlamaanka cusub.
Geesta kale, Odayaasha ayaa wada in qaabab kala duwan Shariif Xassan uga dhaadhiciyaan in la tixgaliyo rabitaankooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

