28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Madaxda maamul goboleedyada oo Muqdisho ku socda, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgali doona shir furmi doona 19ka Bishan lagu jiro kaasi oo hordhac u noqon doona shir kale oo ka furmi doona magaalada Garoowe.

Shirka ka furmi doona magaalada Muqdisho ayaa intiisa badan lagu xalin doonaa arrimaha Dastuurka, waxaana ka qeybgali doona madaxda ugu sareysa dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaani hordhaca u noqon doona kan madaxda dalka uga furmi doona magaalada Garoowe, ayaa waxaa lagu daweyn doonaa muranka dastuurka, inkastoo Dowlada iminka jirta lagu eedeynaayo faragalin qaawan inay ku heyso Dastuurka iyo qodobadii laga soo saaray shirka wadatashiga ee kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho.

Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ayaa walaac ka muujinaaya qaabka ay Xukuumada Somalia uga gabineyso dadaaladii laga filaayay inay ku dhaqan galiso hanaanka doorasho ee dalka.

Ma cadda go’aanada kasoo bixi doona shirarkaani dib loogu eegi doono dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News