Cadaado (Caasimada Online) – Maalintii shalay ayaa xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug waxay la kulmeen arin ay la yaabeen kadib markii loo diiday iney kulankooda caadiga ku yeeshaan xaruntii ay ku kulmi jireen tan iyo markii la dhisay baarlamaanka.
Baaqashada kulankii shalay ay yeelan lahayeen xildhibaanada Galmudug ayaa noqotay arin yaab badan kadib markii shaqsiyaad gaar ah oo lahaa xarunta ay xirteen goobtooda laguna kala tagay kulankii shalay.
Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo arintaasi ka hadlay ayaa warbaahinta u sheegay in wax lala yaabo ay aheyd in xarun ay shaqsiyaad leeyihiin in lagu shir siiyo xubnaha baarlamaanka.
Xildhibaan Caasho Maxamed Warsame iyo xildhibaano kale ayaa sheegay iney ku dhaliilayaan qorshaha loo xiray xaruntii ay ku shiri lahaayeen inuu ka dambeeyo gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug.
Waxay sheegeen ineysan kulamo kale yeelan doonin haddii aan xal loo helin arintii dhacday maalintii shalay.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

