Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C.welli Maxamed Cali Gaas ayaa wada wadatashiyadii ugu dambeeyay ee uu la yeelanayo lataliyayaashiisa iyo madaxweye ku xigeenkiisa isaga oo ka hadlaya qorshe cusub oo uu doonayo inuu isku shaandheyn ku sameeyo.
Warar soo baxaya oo aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu doonayo inuu xilka ka qaado inta badan wasiirada haatan xilalka haya, islamarkaana uu ku badalaa wasiiro cusub oo kasoo muuqan doonaa siyaasada.
Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu doonayo saacadaha soo socdo inuu isku shaandheyntiisa ku dhawaaqo, laakiin waxaa jiro ka fakarida liiska cusub ee wasiirada iyo qaabka loo kala badalayo.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu doonayo inuu sameeyo iskushaandheyntii ugu balaarneyd tan iyo markii xilkaasi uu qabtay, oo waxaa laga baqlayaa in wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal wasaaradeed iney xilka waayaan.
Madaxweyne Gaas ayaa horey u balan qaadey in xubintii gudan weysa waajibaadka Shaqo ee loo igmaday, sidaas oo kalena ka leexata balan qaadyadii uu ku soo galay Tartanka doorashada ay waayi doonto xilkeeda, qof kalena lagu bedeli doono, maadaama uusan qofku aheyn Tiir ka baxay Kursiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

