Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu kusoo waramaayo mid kamid ah Wariyayaasha ka howlgala magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maalintii Afaraad xiran Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee cabdulaahi Yuusuf Airport.
Wariyaha waxa uu sheegayaa in Garoonkaasi muddo Afar maalin ah aysan ka degin wax diyaarad ah, waxa uuna intaa raaciyay in Hakat uu ku imaaday Howlihii ka socday Garoonka.
Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee howlahaasi hakatka u galeen ay tahay dhaqaale culus oo lagu dalacay dadka ka dhoofa garoonka.
Maamulka Garoonka cabdulaahi Yuusuf Airport, ayaa dadka dhoofka ah ku dalacay dhaqale aysan bixin karin, taasi oo sabab u noqotay in dadka rakaabka ah ay baajiyaan safaradii ay uga bixi jareen Garoonka cabdulaahi Yuusuf Airport.
Dhaqaalaha lagu dalacay dadka ka dhoofa garoonka ayaa la soo warinayaa inuu ku dhaco jeebka maareeyaha Garoonka, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dhaqaalahaasi uu qeyb ka leeyahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo caqabad ku ah in baarlamaanka laga ansixiyo dhaqaalahaasi saa’idka ku ah dhoofayaasha.
Garoonka cabdulaahi Yuusuf Airport, ayaa waxaa maalin waliba kasoo caga dhigta diyaarado kor u dhaafaya lix kuwaasi oo badi kasoo baqoola Gobolada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaan wali ka hadal boobka qarsoodiga ah ee ka socda Garoonka cabdulaahi Yuusuf Airport.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

