32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Banaanbax lagu qabsanayo Villa Somalia oo la qorsheeyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka Muqdisho ayaa loogu baaqay inay isugu soo baxaan banaanbax ballaaran oo ka dhan ah gardarrada ay dowladda Xasan Sheekh ku hayso labada milyan iyo barka gobolka ku nool, ee ay dowladda martida u tahay.

Banaanbaxan ayaa lagu dalbanayaa in gobolka Banaadir la siiyo xaqa mataaladda ah ee uu ku lee yahay aqalka sare ee baarlamanka, oo dowladda Xasan Sheekh ay sheegtay inaysan u golaan doonin.

Banaanbaxa ayaa maalinta Jimcaha kadib salaadda Jimce ka billaaban doona masjidka isbaheysiga, waxaana qof kasta oo farriintan aqrinaya laga codsanayaa inuu faafiyo oo uu gaarsiiyo saaxiibadiisa ku nool magaalada Muqdisho.

Waxaa qorshuhu yaha inay isku soo baxaan ugu yaraan laba boqol oo kun oo qof, oo ka mid ah shacabka Muqdisho, gaar ahaan dadka awoodda u leh.

Qaban-qaabiyayaasha banaanbaxa ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshuhu yahay in saddex koox loo kala qeybin doono banaanbaxayaasha, ayaga oo kala aadi doona saddex goob.

Illaa boqol kun oo qof ayaa la qorsheynayaa inay xoog ku galaan Villa Somalia, oo ay soo qabtaan madax dowladda Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si loo tuso awoodda shacabka gobolka Banaadir.

Sidoo kale kumanaan qof ayaa ayagana u baqooli doona xarunta baarlamanka, si xildhibaanadda diidan xuquuqda gobolka Banaadir loo soo qab qabto loogana saaro caasimadda, ayaga oo loo diri doono gobolladooda.

Sidoo kale, koox kale oo dibadbaxayaal ah ayaa la qorsheeyey inay abaaraan hoteelada Muqdisho, si ay xildhibaanada iyo wasiirada ku jira ugu galaan.

Banaanbaxan ayaa haddii uu guuleysto waxa uu soo geba gebeyn doonaa jiritaanka dowladda Soomaaliya, ayada shacabka Muqdisho ay iskood isugu tashan doonaan.

Banaanbaxa ayaa waxaa baajin kara oo kaliya, haddii dowladda Xasan Sheekh ay manta ogolaayo xuquuqda dadka gobolka Banaadir.

Fadlan farriintan ku faafi facebook, una sheeg saxiibadaada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News