26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Puntland oo ka hortimid qorshe MUQDISHO lagu soo bandhigay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubnaha Puntland ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ka hor yimaadeen qorshe la doonayo in wax looga badalo hishiiskii ku saleystaa madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacay.

Ilo Xog ogaal ah oo ka tirsan xubnaha Puntland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la waday qoshe lagu badalayo qodobada qaar ee hishiiskii dhacay 12 April kaasi oo lagu cadeeyay nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Soo jeedinta in laga tago Aqalka Sarre, doorashadana lagu galo hanaanka Baarlamaanka kaliya, waxaa soo jeediyey M/weynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeedka, Guddoonka baarlamaanka & Dawladda Faderaalka oo door bideyey.

In laga tago dhismaha Aqalka sare ayaa ah mid dhaawacaysa qodobadii horey loo saxiixay, taas oo haddii wax laga bedelo kalifaysa in dib loogu laabto hanaanka doorashada oo dhan, iyadoo uu hadda gabaabsi yahay waqtiga loogu talo-galey qabsoomida doorashadan.

Xildhibaano kamid ah baarlamaanka faderaalka oo kusugan Muqdisho ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Aqalka sarre laga tanaasulo, loona baahan yahay in doorashada iyo Habraaca Jadwalka la dajiyey meelmar laga dhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News