Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka dhowr saacadood dib u dhigay socdaal uu ku tagi lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib faro-gelin ka timid dowladda Ethiopia.
Xasan oo u aadi lahaa dalka Turkiga ka qeyb-galka shir ku saabsan arrimaha bani aadannimada Soomaaliya oo halkaas ka furmaya berri, ayaa kasoo nqoday garoonka Aadan Cadde, kadib markii uu soo wacay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Tedros Adhanom, oo ku amray inuusan dalka ka bixin isaga oo aan ansixin heshiiska doorashada 2016.
Madaxweynaha ayaa markaas kadib ku laabtay Villa Somalia, isaga oo saacad kadibna soo saaray xeer madaxweyne oo uu si qasab ah ugu ansixiyey heshiiska, islamarkaana la dhinac maray xildhibaanada baarlamanka.
Tallaabada dowladda Ethiopia ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan xubnaha beesha caalamka, oo dowladda Ethiopia ka codsaday inay arrinta soo faro-gelisay kadib markii ay xal u weyday.
Si kastaba, Xasan ayaa socdaalkiisa u baxay galabta kadib markii uu ku dhaqaaqay tallaabadii ay dowladda Ethiopia ku amartay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

