28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Gaas oo go’aankii ka dhanka ahaa Banaadir ku qeexay guul

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay dib ugu laabtay magaalada Garowe kadib muddo 5 maalmood ah oo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu guul siyaasadeed ka gaaray socdaalkiisii Muqdisho.

Gaas ayaa guushiisa ku qeexay go’aankii Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu xeer Madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii ay wada gaareen Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana meesha ka saaray xuquuqda gobolka Banaadir.

Gaas wuxuu sheegay in maalmaha soo socda magaalada Garoowe lagu qaban doono shirka madasha wadatashiga Qaran isla markaana oo ay Garowe isugu tegi doonaan Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda Maamulada dalka.

Wuxuu kaloo sheegay in Puntland ay sidoo kale marti gelin doonto shirweynihii dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya oo hore dhowr jeer wax ka beddel aan loo dhammayn lagu sameeyey.

Maamulada Puntland iyo Jubba ayaa si weyn ugu riyaaqay Xeerkii Madaxweynaha Soomaaliya oo si buuxda loogu hirgeliyay heshiiskii doorashada oo muran weyn ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News