Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa ka shanqariyay in Jubbaland aysan raali ka noqon doonin in Siyaasada Somalia ay ku koobanto keliya magaalada Muqdisho.
Madoobe waxa uu sheegay in Jubbaland ay maskax iyo dhaqaalaba ku bixineyso sidii magaalada Muqdisho aan loogu ekeyn leheyn Siyaasada dalka, waxa uuna tilmaamay in hamigiisu yahay in xiliyada qaar kulamada Dowlada loo wareejin karo Caasimadaha maamul Goboleedyada dalka.
Madoobe waxa uu tilmaamay in muhiimadu ay tahay in Somalia oo idil aysan u kala soocneyn Siyaasada waxa uuna arrin nasiib darro ah ku tilmaamay in deegaano gaar ah laga maamulo Siyaasada.
“Anigu kuma talinaayo in Somalia dib loogu celsho dhibaato iyo burbur, balse waxaan ku talinayaa inaan wax waliba aan dhexda ku dhufsano oo aan wada noolaano si meesha looga saaro magaalooyin kala xirxiran”
“Haddii ay suuragal tahay waxaan ku talin lahaa in marba magaalo ay marti galiso shirarka asbuuclaha ah ee Dowlada ama shirarka kale si dalka uusan u yeelan qad cagaaran oo dadka kala xiraaya”
Madoobe ayaa kasoo horjeeda in magaalada Muqdisho ay saldhiga Siyaasada Somalia laga maamulo noqoto waxa uuna ku doodayaa in marba meel loo raro Siyaasada oo marba maamul la hoosgeeyo. Haddalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili Siyaasada Somalia ay gacanta kula jiraan Dowladaha reer galbeedka iyo kuwa dariska la ah Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

