Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa maanta kasoo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Safarka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la xiriira shir madaxda Soomaalida uga furmaya Muqdisho, oo ay uga hadlayaan qaabka doorashada loo qabanayo, maadaama madaxdu ku heshiiyeen go’aankii uu madaxweyne Xasan Shiikh kasoo saaray doorashada.
Waxaana sidoo kale shirka ka qayb gali doonta madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda fadaraalka, waxayna isla meel dhigi doonaan qaabka doorashada loo qabanaayo.
Sidoo kale, Madaxweynaha DFS Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shirka madasha looga hadli doono maqaamka magaalada Muqdisho iyo sidii ay matalaad ugu yeelan lahayd aqalka sare arintaas oo aan la ogayn sida uga socon doonto madaxda dowlad goboleedyada Somalia oo taagan in wixii lagu heshiiyay sidiisi loo daayo.
Geesta kale, bilowga bishaani aan ku jirno ayey ahayd markii madaxda dowladda fadaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay shir ay uga hadlayeen doorashada ku yeesheen Muqdisho, kaaso dhaliyey muran uu qayb ka ahaa Baarlamaanku, isagoo markii dambe uu madaxweyne Xasan Shiiku Go’aan kasoo saaray.
Diyaaradii siday Axmed Madoobe ayaa Garoonka Aadan Cadde kasoo caga dhigatay xili howlwadeenada Garoonka ay soo gabagabeeyen howlahooda shaqo ee Garoonka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

