27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Guuleed oo xildhibaanada Hawiye u sheegay in Xasan la qasbay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed ayaa kulan qado ah oo uu dhowaan la qaatay xildhibaanada Beesha Hawiye uga xog warramay xaalada kala guurka ah ee dalka iyo sirta ku qarsoon wareegtadii Madaxweyne Xasan Sheekh ku ansixiyay heshiiska Qaabka Doorashada 2016.

Wareegtadaas ayaa meesha ka saartay dadaal ay wadeen xildhibaannada baarlamanka oo doonaya in gobolka Banaadir uu aqalka sare ee baarlamanka xubno ku yeesho.

Guuleed ayaa xildhibaanadaasi u sheegay in wareegtada ay ahayd mid lagu qasbanaa oo Beesha Caalamka taladeeda lahayd, haddii aanu madaxweyne sidaasi yeelin loogu hanjabay in Golaha Ammaanka xaaladda Soomaaliya la wareegayo.

Wuxuu intaas ku daray inay madaxda madasha iyo kuwa dowladda Federaalka oo uu ku jiro Guddoomiyaha Baarlamaanka taageereen go’aanka madaxweynaha, laakiin ay jirto in arrinta Gobolka Banaadir looga hadlayo shirka Madasha ee manta furmaya.

Waxa uu sheegay  ay rajo weyn ka qabaan in kulanka manta furmaya lagu ogolaado in gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News