Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay galeysaa isbedel dhinacyo badan waxaase isku soo aaday dhacdo dad badan ay su’aalo iska weydiinayaan oo ah waxyaabaha isku soo beegay doorashada Soomaaliya oo isbadal laga filayo iyo qaadida dacwada dhanka badda ee u dhaxeyso Kenya iyo Soomaaliya.
“September 2016 wax badan oo Soomaaliya saamayn ku leh ayaa dhici doona sida lagu wado, waxaase ugu khatar badan bishaas 19-keeda maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay bilaaban doonto dhageysiga dacwad muran u dhexeeya Soomaaliya & Kenya oo ku saabsan dhul badweynta Hindiya dhaca, dacwadaas laga yaabo in go’aanno laga soo saaro, ayadoo la sheegey in gal dacweedkaas ay maxkamadda ka furtaydawladda Soomaaliya.”ayuu facebook kusoo daabacay Axmed Macalin Fiqi oo ah taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya.
Axmed Macalin Fiqi ayaa arin lala yaaba ku tilmaamay waxyaabaha isku soo beegay xiliga la qabanayo doorashada Soomaaliya iyo qaadida dacwada dhanka ee Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeyso.
“La yaabku wuxuu yahay maxaa la isugu aadiyay furitaanka dhagaysiga dacwadaas iyo xilliga isbedleku ka dhacayo Soomaaliya, oo laga yaabo in dawladda hadda joogtaa meesha ka baxdo.. ma laga yaabaa in dawladda Soomaaliya ay codsato in dib loo dhigo waqtiga illaa laga hubsanayo in nidaamka cusub (haddii isbedel dhaco) uu ka caga-dhiganayo, oo aan wasiir iyo madax sii hadaafaysaa aysan cagta ku sii qaadan qaddiyadda maxkamadda taalla..!!”
Dhulka lagu muransan yahey oo dhaca badweynta hindiya wuxuu gaarayaa 100,000 square kilometres (40,000 miles), waxaa la rumaysan yahey in shidaal dhex ceegaago, ayadoo la rumeysan yahey in Kenya ay sahmintii dhulkaas sii bilowdey oo shirkado caalami ah ay hawshii sii wadaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

