Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Hoggaamiyayaasha maamul Goboleedyada Somalia ay xushmad gaar ah siiyaan Beesha Caalamka si aan loo lumin wakhtiga yar ee ka harsan doorashada Somalia.
Mr Keating waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka ay tixgalineyso aragtida DFS iyo Maamul Goboleedyada balse balse waxa uu carab dhabay inaysan aqbali doonin in marba Koox ay qodob cuskato taa oo uu ku sifeeyay mid lagu luminaayo xiliga doorashada ay dhici laheyd.
Keating waxa uu sheegay in Puntland looga baahan yahay inay la sinaato maamulada kale oo aysan noqon fartaagan waxa uuna xusay in DFS ay qodob waliba uga tanaasusho Puntland, iminkana looga fadhiyo in wareegeeda ay muujiso tanaasul si aan tashwiish loo galin xiliga doorasho.
Keating waxa uu Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas u sheegay inuu la jaanqaado maamulada dhigiisa oo aanu noqon fartaagan isaga oo ka dalbaday tanaasul.
Cabdiwali Gaas, ayaa iminka looga fadhiyaa tanaasul, inkastoo uu arrinta maqaamka Gobolka Banaadir kala tashanaayo xubnaha ku wehlinaayo Safarka hadana waxaa jira cadaadi kaga imaanaya dhanka Beesha Caalamka.
Docda kale, Beesha Caalamka ayaa culeys u aragta doodaha aan dhamaan ee u dhexeeya DFS iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

