Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo dhexmaray madaxweynaha SOomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo afhayeenka baarlamaanka dalka ayaa waxay kaga hadleen arimaha la xiriira doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya iyo maqaamka gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa xogaha aan heleyno waxay sheegayaan iney qodobada qaar isku fahmi waayeen madaxweynaha Soomaaliya iyo afhayeenka baarlamaanka, waxaana qodobada kamid ah in howlaha baarlamaanka aan laga fara maroojin xildhibaanada.
Xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in madaxweyne Xasan Sheikh uu ka dhaga adeegay in xubnaha baarlamaanka doorweyn ku yeeshaan arimaha shirarka madasha wadatashiga qaran, maadaama hadda howlaha gabo gabo ay marayaan.
Jawaari wuxuu doonayaa in xubnaha dheeraadka ah ee ay ka heleen Aqalka sare Puntland & Somaliland laga jaro loona daayo gobalka Banaadir, taas oo ah qorshe siyaasadeed oo leeyahay afhayeenka.
Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Guddoomiyaha baarlamaanka baarlamaan Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa horey saaxiibo siyaasadeed u soo ahaa, balse hadda ay dhabarka isku jeedinayaan sababo la xiriira arimaha siyaasada dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

