31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Sawirro: Madaxda DF oo xili ay kala dhuumanayeen isku arkay safaarada Ethiopia ee Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda DFS ayaa safaf dhaadheer u galay dhismaha Safaarada Ethiopia ee magaalada Muqdisho, kadib markii lagu casuumay xaflad loogu dabaaldagayay maalinta Ginbod oo ah sanad guuradii 25aad ee kasoo wareegtay maalinkii ururka TPLF oo xukunka ka tuuray madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mengistu Hailemariam.

Xaflada ayaa waxaa ku sugnaa dhamaan mas’uuliyiinta Safaarada Ethiopia ee Somalia, waxaana sidoo kale dhanka Dowlada ka joogay xubno ka kala tirsanaa labada Gole oo uu ugu horeeyay Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali.

Dhismaha Safaarada ee Xaflada ay ka soctay ayaa waxaa isku arkay Madax farabadan oo kala dhuumanaayay kuwaasi oo ku kulmay safafka.

Waxaa sawirrada ka muuqda ayaga oo goynaya doolsho loogu tala-galay dabaal-degga markii xisbiga Tigreega uu qabsaday dalkaas, oo iminka laga joogo 25 sano.
Ethiopia1

Ethiopia2

Ethiopia3

Ethiopia4

Ethiopia5

Ethiopia6

Ethiopia7

Ethiopia8

Ethiopia9

Ethiopia10

Ethiopia11

Ethiopia12

Ethiopia13

- Advertisement -

Read more

Local News