27.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Daawo sawirrada: Turkiga oo ka dhabeeyay balanqaadkiisii hore

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa ka dhabeysay balanqaad ay horey u fulisay kaasi oo ahaa in magaalada Muqdisho uu kusoo xiran doono markab laga leeyahay dalkaasi oo gargaar sida.

Gargaarka ayaa gaaraya kudhawaad 11 kun oo tan, sida uu sheegay safiirka dowlada Turkiga ee dalka Soomaaliya , isagoo sheegay in gargaarkaasi laga keenay shacabka iyo dowlada Turkiga.

Markabka ayaa markii laga soo xiray dekada magaalada Muqdisho waxa alagu wareejiyay xubno ka tirsan wasaarada arimaha gudaha oo loo xirsaaray sidii gargaarkaasi loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan.

Dowlada Turkiga ayaa gargaarkaan ugu talo gashay in la gaarsiiyo dadka ku nool gobolada dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin badan ay heystaan.

Gargaarkaan ayaa kusoo beegmay iyadoo dhibaatooyin badan ay geysteen biyihii ka fatahay wabiga Shabeele ee mara Shabeelaha Dhexe iyo gobolka Hiiraan.

DSC04037 DSC04041 DSC04050 DSC04052 DSC04058 DSC04096 DSC04113 DSC04114 DSC04132

- Advertisement -

Read more

Local News