24.1 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

DF oo beenisay arrin la xiriirta hawada Somalia oo soo baxday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa ka hadashay warar soo baxay dhowaan oo ku saabsan maamulka hawada dalka Soomaaliya.

Cali Axmed Jaamac Jangali Wasiirka Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Somalia, oo warbaahinta la hadlay, ayaa beniyey in hawada Soomaaliya laga maamulo Kenya, wuxuuna sheegay in hawada Somaalia laga maamulo gudaha dalka Somalia, waxa uuna tilmaamay inay jiraan warxumo tashiil laga faafinaayo DFS.

Jangali waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay iminka tahay mid isku filan islamarkaana maamulan karto Hawadeeda.

Jangali waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay Wasaarada soo gaari doonaan qalab u suura galiya in si buuxda ay ula wareegaan maamulka hawada Somalia.

Waxa uu sheegay in Garoonka Magaalada Muqdisho ay ku yaalan xarumo dhowr ah oo laga maamuli karo hawada Somalia, si loo dhigo qalabka Wasaarada ay la imaan doonto.

Jangali waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in Caalamka ay u ogolaadeen Somalia in si Madax banaan ay u maamulato hawadeeda sida uu yiri.

Hadalka Wasiirka Duulista Hawada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli inta badan la isla dhexmaro in dowladda Soomaaliya aysan maamulin hawada dalka ee laga hago dalalka dariska oo Kenya ay ugu horeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News