28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog ka cusub shirka madasha iyo beesha caalamka oo goordhow…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shirka madasha wadatashiga qaran ee ka socdo magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dowlada Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada hoos yimaada.

Shirka ayaa waxaa maanta xooga lagu saarayaa ujeedada rasmiga ah ee la laga leeyahay sida laga yeelayo maqaamka gobolka Banaadir iyo xubnaha Muqdisho u matalaya aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xubno ka tirsan beesha caalamka ay shirka ku biireen, waxaana xalay kulamo la qaateen madaxda ugu sareyso dalka ee shirka uu kaga socdo magaalada Muqdisho.

Xogaha aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Axmed Madoobe uu muujiyay carada shirarka aan macnaha laheyn ee waqtiga looga dhameynayo ummada Soomaaliyeed,isagoo sheegay in madaxda ay doonayaan iney danahooda kaliya raadiyaan.

Waxyaabaha la isku fahmi la yahay ayaa waxaa kamid ah sidii C/welli Gaas iyo Axmed Madoobe looga dhaadhicin lahaa in lix xubnood oo matalaya Muqdisho lagu kordhiyaa aqalka sare ee baarlamaanka dalka.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News