31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Madaxweyne Erdogan oo Jimcaha imanaya Muqdisho + Qorshaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waxaa la fillayaa in maalinta Jimcaha ah uu booqasho ku yimaado Magaalada Muqdisho, iyadoona ay Dowladda Somaliya diyaargarow ugu jirto soo dhawayntiisa.

Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Safaaradda Turkiga uu ka dhistay Magaalada Muqdisho, taasoo lagu sheegay midda ugu casrisan ee Turkigu uu ku leeyahay Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa Madaxtooyada Somaliya kula kulmi doona Madaxda Dowladda Dhexe Somaliya, sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Talaadada berrito ah, ayaa waxaa lagu wadaa in wefdi horudhac u ah booqashada Madaxweynaha Turkiga, ay yimaadaan Magaalada Muqdisho.

Booqashadan, ayaa waxay noqonaysaa nooceedii saddexaad oo Madaxweyne Erdoğan uu ku yimaado Xarunta Somaliya. Erdoğan ayaa booqashadii ugu horaysay ku yimid Magaalada Muqdisho bishii August ee sanadkii 2011-ka, xilli abaaro baahsan ay ka jireen Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya. Waxaana xilligaa uu caalamka tusay in la imaan karo Somaliya.

25-kii bishii January ee sanadkii hore, ayay ahayd markii uu xariga ka jaray dhismo cusub, oo Turkigu uu ku soo kordhiyay Garoonka Aadan Cadde.

Turkiga waxaa lagu tilmaamaa isha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha ka hesho Dowladda Somaliya, waxaana xusid mudan in mashaariic uu ka wado Caasimadda Muqdisho.

Somalida, ayaa aaminsan in Xukuumadda Ankara ay meel hoose ka soo qaaday Xukuumadda Muqdisho, isla-markaana ay u soo gurmatay xilligii ugu adkaa ee ka jiray dalka, tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Militariga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News