Nairobi (Caasimada Online) – Dowlado badan oo African ah ayaa ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya, waxaana ay ku helaan dhaqaalo badan, waana midda qasabtay sida quburada dhanka amaanka ay sheegeen in xasiloonida Soomaaliya aysan soo laaban inta ciidamada ay joogaan.
Kenya oo ciidamadeeda markii hore xooga ay kusoo galeen dalka Soomaaliya ayaa markii dambe laga mid dhigay howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku jiraan dowladaha Jabuuri, Ethiopia, Uganda, Kenya iyo dowlado kale oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.
Kenya ayaa sanadkaan dhaqaalo badan ka faa’iday howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo oo ciidamadeeda ay kamid yihiin, walow ay heshay lacagtii ay doonayeen mid ka yar.
Kenya ayaa rajeyneysay iney faa’iido ahaan ka helaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya dhaqaalo gaaraya 6.4 Bilyan laakiin waxay sanadkaan ay heleen 4.2 Bilyan waana dhaqaalo ka yar intii ay filayeen.
Dowlada kale ee ku sugan Soomaaliya ayaa dhankooda dhaqaalo fiican ka helaya howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaana dowlada Uganda la sheegay iney tahay dowlada dhaqaalaha ugu badan hesha maadaama ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

