27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Musuq-maasuq saddex heer leh oo ka dhex billowday DFS..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online )- Qaar kamid ah wasaarada xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa ka bilowday musuq maasuq cusub kaasi oo ah mid muuqda, kana duwan musuqii la sameyn jiray markii hore oo ahaa mid qarsoon.

Heerka Mushaarka shaqaalaha dowlada ayaa haatan waxaa ka bilaabatay naqshad cusub oo shaqalaha dowlada ay musuq maasuq ugu helayaan lacago dheeraad ah oo ay ku shaqeynayaan.

Sharciga mushaarka shaqaalaha dowlada ayaa ah mid ku saleysan  hadba shahaadaha uu heysto ruuxa u shaqeynaya dowlada Soomaaliya, iyadoo loo kala bixiyay Heerka A, heerka B iyo Heer C.

Heerka A ama koowaad waa ruuxa heysta shahaado jaamacadeed wuxuuna mushaar ahaan ku shaqeynayaa ku dhawaad 700 oo doolar, halka heerka B ama labaad uu ku shaqeynayo 400 Doolar halka heerka C ama seddexaad oo ah kuwa aan heysan wax shahaado ah ku shaqeynayo 200 oo doolar.

Iyagoo shaqaalaha  heysta shahaadada dugsiga sare ee ku shaqeeya 400 ay doonayaan iney lacag dheeraad ah helaan ayaa waxay bilaabeen musuq maasuq ay ku helayaan shahaado jaamacadeed si ay mushaar ahaan u helaan 700 doolar.

Jaamacadaha ku yaala Muqdisho ayaa la yaabay shaqaalo badan oo ka doonaya shahaadada iney helaan iyagoo aan waxba dhigan jaamacada, waxaana la sheegay iney tahay qaab cusub oo wax lagu musuqayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News