Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan uu xilka iska casilay Taliyaha Qeybta Gobolka Banaadir Gen Cali Xirsi Barre Cali Gaab, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in xilkaasi loo magacaabay Taliye cusub.
Taliyahaani cusub ayaa bedelay Taliyihii hore ee qeybta Gobolka Cali Gaas, waxaana Taliyahaani lagu magacaabaa Bishaar Abshir Geedi.
Taliyaha cusub ayaa xilal hoose horay uga soo qabtay Taliska Booliska Gobolka Banaadir, waxaana kamid ahaa xilalka uu soo qabtay Taliye Hogaan.
Taliyahaani ayaa looga fadhiyaa inuu buuxiyo booska Cali Gaab.
Taliska Booliska ilaa iyo hadda ma uusan cadeyn sababta uu xilka isaga casilay Cali Gaab.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

