Washington DC (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa gacan qaad ka dhex dhacay halka uu ka dhacaayay Aaska allaha u naxariistee Maxamed Cali Kalaay.
Ilaalada gaarka ah Madaxweyne Obama ee loo yaqaan (Secret Service), ayaa la sheegay inay bilaaben gacan ka hadalka, waxaana talaabadaasi xigay in Erdogaan laga saaro liiska madaxda Khudbada ka jeedin lahaa Aaska, sida ay sheegen warbaahinta caalamka.
Ilaalada Obama ayaa sheegay in amar lagu siiyay inay xakameeyaan goobta tacsida ay tiilay, waxa ayna culeys gaar ah saaren Madaxweyne Erdogaan iyo ilaaladiisa.
Ilaalada Mareykanka ee Secret Service ayaa iyagu loo xilsaaraa sugidda ammaanka madaxda imaata dalka Mareykanka kuwaasi oo ka qeybgalaayay aaska.
Erdogaan ayaa wakhtiga kooban ee uu halkaasi ku sugnaa ku noolaa xaalad adag waxa uuna ahaa Madaxweyne aan lasiin xushmadii uu lahaa, waxaana jiray cabsi kaga imaaneysay dhanka ilaalada Obama.
Sidoo kale, warbaahinta ayaa shaacishay in microfanka loo diiday wadaad weyn oo duco ka akhrin lahaa munaasabadda kaas oo qeyb ka ahaa wafdiga madaxweynaha Turkiga Erdogan.
Culeyska ayaa waxaa si gaar ah loo saarayay Wafdiga Madaxweyne Erdogan, waxa ayna tani dareen galisay dhammaan muslimiintii ku howlaneyd aaska.
Ma cadda jawaabta uu Erdogaan ka bixin doono ficiltankii uu kala kulmay Madaxweynaha mareykanka Obama.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

