25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Imaaraadka oo Soomaali ku xukumay 5 sano xarig ah (Sabab)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Maxkamad ku taala Isku taga Imaaraadka Carabta ayaa xukun shano sano oo xabsi ah ku riday labo wiil oo dhalinyaro Soomaali ah, kadib markii la sheegay iney doonayeen iney ku biiraan Daacish.

Maxkamada lasoo taagay labada ruux ee SOomaaliyeed ayaa la sheegay iney faafinayeen fikradaha kooxda Daacish ee ka dagaalanta Syria iyo Ciraaq ayna lahaayeen Website-yo fikradahaasi lagu faafiyo.

Cali Maxamuud Cali & C/raxmaan Maxamuud Cali ayaa waxaa lagu xukumay xabsiga shanta sano, waxaana la sheegay iney la shaqeynayeen shirkad Patrol oo dalkaasi ku taala.

Labada ruux ee Soomaalida ayaa la sheegay iney baahiyeen warbixino la xiriira siyaasada arimaha dibada ee iskutaga imaaraatka carabta, sida uu baahiyay wargeyska Al-khaleej ee kasoo baxa dalkaasi.

Qaadiga Maxkamada ayaa sidoo kale amar wuxuu ku bixiyay in la xiro dhamaan goobihii ay u isticmaalayeen faafinta fekradaha la xiriira Ururka Daacish.

Somali badan ayaa dalka dibadiisa loogu xukumay arimo la xiriira taageerada Kooxda Daacish oo noqotay xilligaan kooxda Aduunka dhan uu hadal haayo ee dagaalka ka wada dalal badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News