Muqdisho (Caasimada Online)-Hayada Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch ayaa digniin kasoo saartay dumarka la qorsheeyay in dowlada Soomaaliya ay u dirto dalka Sacuudiga si ay halkaasi kaga shaqeeyaan.
Qoraal kasoo baxay hayada ayaa waxay kaga digtay in haweenka loo dirayo dalka Sacuudiga loola dhaqmaa qaab ka baxsan bini’aadanimada, kadib markii marar badan Sacuudiga dhibaatooyin laga sheegay.
Hadalka Hayada ayaa wuxuu kusoo aaday iyadoo hishiis uu dhexmaray dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya, kaasi oo dhigaya in kumanaan dumar Soomaaliyeed loo diro sacuudiga si ay kaga soo shaqeystaan.
Hayada waxay ku sheegtay qoraalka ay soo saartay in sanadihii ugu dambeeyay ay diiwaan geliyaan falal tacadiyo ah oo Sacuudiga iyo dalalka carabta loogu geystay haweenka adeegtooyinka ah.
Qoraalka hayada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhibaatooyinka ugu badan ee haweenka loo geysto ay tahay in la siinin dhaqaalaha ay xaqa u leeyihiin iyo iney ku badiyaan shaqooyinka oo aan marka hore lagula hishiin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]