Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga maqlayaa daryanka Hoobiyayaal dhowr ah oo ku dhacaaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Xaafadaha ay Hoobiyayaasha ku dhaceen ayaa waxaa kamid ah Degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigley kuwaasi oo la sheegay inay geysteen khasaaro kala duwan.
Mid kamid ah Hoobiyayaashaani ayaa waxa uu ku dhacay agagaarka Taalada Sayidka.
Hoobiyayaasha qaar ayaa ku dhacay xaafado kale, waxaana barbar socday Qarax goor dhow ka dhacay Xaafada Taree-Biyaano ee Jidka maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.
Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa Caawa ku sugan xaalad cabsi leh, waxa ayna aad uga cabsi qabaan isbedelada ka jira dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Hoobiyayaasha caawa looga afuray magaalada Muqdisho, ayaa kusoo beegmaaya xili Saacado un ka hor xilka laga xayuubiyay Taliyaha NISA Cabdiraxmaan Tuuryare oo ku eedeysan hoos u dhigida mustaqbalka Sirdoonka Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

