27.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Daawo sawirro muujinaya qaabka loo toogtay Xildhibaan Jo Cox

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ruux hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Jo Cox oo ahayd xubin baarlamaanka Britain kadib markii lagu toogtay deegaanka laga soo doorto ee West Yorkshire.

Xildhibaanadaani ayaa waxaa la toogtay xili ay ku guda jirtay shaqada ay u heysay Qaranka Britain.

Jo Cox oo 41 jir ahayd ayaa laga soo doortay deegaanka Batley iyo Spen,waxaa dhoor xabadood ku dhuftay nin ku hubaysnaa qori macmal ah.

Xildhibaan Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga Shaqaalaha ee Labour, lama oga sababta loo dilay.

Xildhibaan Jo Cox oo ah xubin baarlamaanka Britain ee xisbiga shaqaalaha ayaa ku jirtay shir magaalada Leeds markii la toogtay waxaa si deg deg ah isbitaalka loogu qaaday dayaarad, hayeeshee waxa ay markii danbe u dhimatay dhaawicii kasoo gaaray weerarka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
4
1

2

3

- Advertisement -

Read more

Local News