Saxaafada Puntland oo laga soo rogay amarkii u yaabka badnaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo u waramaayay mid kamid ah Idaacadaha ka howlgala deegaanada Puntland ayaa digniin kasoo saaray Idaacadaha wareysta Siyaasiyiinta hubeysan ee mucaaradka ah.

Soocade, ayaa sheegay in wasaaradiisu aysan aqbali doonin in Idaacadaha maxaliga ah ay arrimaha kacsan kala hadlaan misna ka wareystaan shakhsiyaadka hubeysan ee ku taamaya inay carqaladeeyan amniga iyo xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland.

Soocade waxa uu Idaacadaha faray inay wareystaan Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aan hubeysneen waxa uuna cod dheer ku sheegay in kuwaasi laga qaadan karo wixii dhaliil ama taageero Siyaasadeed ah.

Soocade ayaa sheegay in qof hubaysan ay khalad tahay waraysigiisu, waxaana intaas uu raaciyay in warbaahintii lagu helo sharciga la marsiin doono sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Soocade oo u waramaayay Idaacada Daljir oo ka howlgasho deegaanada maamulka Puntland.

Amarka Wasiir Soocade ayaa u muuqanaaya mid lagu cadaadinaayo warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland, waxaana maamulkaasi uu kaalinta koowaad Afartii sano ee lasoo dhaafay ka galay cadaadinta Saxaafada, marka loo eego maamulada kale.

Geesta kale, Puntland ayaa waxaa kusoo badanaaya Siyaasiyiinta hubeysan ee kasoo horjeeda maamulka iminka talada Puntland gacanta ku hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com