Xog: Cabdi Weli GAAS oo talo ay gacantiisa ka baxday kadib mar…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa tallo gacantiisa ka baxday kadib markii Beesha Cali Saleebaan ay taageertay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Madaxweyne Gaas oo rajo ka qabay in lasoo afjaro colaada kala dhexeysa Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa iminka dib ula laabtay rajadiisa, waxa uuna sidoo kale kalsooni ka waayay Beesha Cali Saleebaan oo markii hore u ballanqaaday inay soo afjari doonaan colaada.

Odayaal kasoo jeeda Beesha Cali Saleebaan oo siyaabo kala duwan ula hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka weecday xeerka beelaha Puntland.

Odayaasha waxa ay sheegen in Gallan uu xor u yahay inuu u doodo xuquuqda beeshiisa, balse aysan kula talineynin inuu carqaladeeyo amaanka Puntland waa haddii aan la gardareysan.

Madaxweynaha maamulka oo arrintaani aad uga careysan ayaa la sheegay inuu isugu yeeray Odayaasha, Siyaasiyiinta Beesha Cali Saleebaan inkastoo aan la garankarin waxa ay kawada hadlayaan.

Lama oga go’aanka ay mar kale qaadan doonaan Odayaasha Beesha Cali Saleebaan, waxaana jiro hal arrin oo caqabad ku ah is aragaasi taa oo la sheegay inay tahay dalab ka imaaday C/wali Gaas oo ah in Gallan marka hore uu isu soo dhiibo maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com