Maxaad kala socotaa isku dirka laga dhex wado SOOMAALIDA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kamid ah mudanayaasha BFS, ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhex aloolsan Soomaalida iyo tan ay u abuurayaan dowladaha shisheeye ee aan ku raali aheyn Somalia oo Somali ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaalida aysan is dagaalsaneyn balse leysku diray lagana dhex shaqeeyo goor waliba.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaalida ay caado u tahay kalgacalka balse ay muuqaneyso in laga soo horjeedo jaceylka ka dhexeeya sidaa darteedna laga shaqeynaayo inay sii kala fogaadan.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in xitaa siyaasiyiinta Soomaalida ay yihiin kuwo isku xiran oo is jecel balse abtaladu ay tahay goortii ay dheef imaado, waxa uuna meesha ka saaray waxa loogu yeero is nacebka Soomaalida.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayaya ayuu yiri “Run ahaantii waxaad mooda in dadku ay yihiin kuwo isku wareersan, balse waxaan anigu rumeysanahay in Soomaalidu ay yihiin kuwo aad isku jecel oo aan kala maarmin laakiin la kala fogeynaayo si aysan midnimo u sameysan”

“Soomaalidu waligeedba waxaa lagu garanaayay kuwo is jecel oo isku naxariista ka hor inta aan lagu qeybin shirkii baarliin”

“Siyaasiyiinta aad aragtaan ee lagu xanto is naceybka waa kuwo aan kala maarmin oo aad isku jecel waxaase ka dhex shaqeeynaaya dad aan raali ku aheyn Somalia oo mid ah”

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu tilmaamay in kala fogeynta Umadda Soomaaliyeed ay saameyn ku yeelatay min Gobol ilaa Tuullo, waxa uuna sheegay in taasi ay ugu wacan tahay ka dhex shaqeynta laga dhex shaqeynaayo.

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in dhibta ugu badan ay tahay gacmaha shisheeye ee ku dhex jira Soomaalida waxa uuna rajo ka muujiyay in taasina ay iska soo dhammaan doonto wakhtiyada dhow.

Haddalka Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa imaanaya iyadoo inta badan Soomaalida lagu xanto inay yihiin kuwo aan leys tusi karin oo ay ka dhexeyso colaad iyo dil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com