Xog: Hadalkii kasoo yeeray Jibriil oo hurdada u diiday Xasan Shiikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hordhac ah oo sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu aad uga carooday war dhawaan uu soo saaray Madax Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga ee CRD ahna Musharax u taagan xilka Madaxweyninimo Jibriil Ibrahim Cabdulla.

Ilo ku dhow dhow Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweynaha uu hadalkaasi kadib kulamo kala duwan la qaatay Odayaal ku dhow dhow Jibriil Ibrahim isaga oo kala hadlay haddalka Jibriil Ibrahim uu Xassan u mariyay Warbaahinta kaasi oo la xiriiray in Madaxweyne Xassan uu ahaa nin aan xiligiisii hore heysan dhaqaale balse markii danbe ka taajiray Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay.

Madaxweyne Xassan waxaa la sheegay in Odayaashaasi uu uga dacwooday Jibriil Ibrahim, isaga oo ka dalbaday in cadeyn uu u keeno in Dowladiisa ay lunsatay dhaqaale dhan 4.05 Bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Madaxweyne Xassan waxa uu Odayaasha u sheegay in loo baahan yahay in laba arrin la kala qaado oo Aflagaado iyo Cod raadin ah, waxa uuna carab dhabay in Jabriil uu xor u yahay in fikradiisa uu ka dhaadhiciyo bulshada, balse uusan u gafin isaga oo dacaayadiisa cod iyo kalsoon ku kasbanaaya.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale, Odayaasha usoo bandhigay dacaayado kale oo uu sheegay in Jabriil Ibraahim ka faafiyay, wuxuuna codsaday in dacaayadaha loo marinaayo saxaafada loo sameeyo cadeyn.

Sidoo kale, Odayaasha ayaa Madaxweyne Xassan isku dayay inay ka raali galiyaan hadalada xanafta leh, balse waxaa la sheegayaa in Xassan Sheekh uu ka biyo diiday raali galinta, sida aan xogta ku heleyno.

Odayaasha ayaa sidoo kale, Xassan Sheekh ka dalbaday in fursad kale uu siiyo si ay dib isugu laabtaan, iyaga oo u ballanqaaday inay ula imaan doonaan jawaab celin uu ku qanco.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Jibriil Ibrahim Cabdulla, ayaa Siyaasada ka hor ahaa laba saaxiibo ah oo ay kawada dhexeysay wada shaqeyn, balse waxaa iminka muuqda in saaxiibtinimadaasi ay ku luntay ololaha doorasho ee socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com