Aqriso Magacyada: DF oo shaacisay guddiga dhisaya maamulka gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, Cabdiraxman Odawaa ayaa waxaa lagu magacaabay Guddi qaabilsan dhismaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Gudigaani la dhisaayo ayaa waxaa sidaan oo kale horay u dhistay Xukuumadii KMG aheyd ee Nuur Xassan Xuseen ”Nuur Cadde”, waxaana iminka lagu wadaa in dib loo dhiso Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa maareyn doona maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in Golahaani looga maarmi doono howlaha adag ee uu qabanaayo maamulka Gobolka Banaadir.

Wasaarada arrimaha Gudaha ayaa la filayaa in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ay ku dhisto muddo gaaban si looga gudbo baahiyaha taagan.

Guddiga Farsamada ee qaabilsan dhismaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa ka kooban 11 xubnood waxa ayna kala yihiin:-

1- Maxamed Gacal Muudey (Guddoomiye)

2- Yaxye Cumar Xirsi (Xubin)

3- Cumar Maxamed Caalin (Xubin)

4- Muxidiin Khaliif Cabdi (Xubin)

5- Mukhtaar Sheekh Cumar Yaxye (Xubin)

6- Maxamed Cabdi Nuur (Xubin)

7- Mahad Axmed Yalaxoow (Xubin)

8- Maxamed Macalin Dhicisow (Xubin)

9- Cabdulqaadir C/raxmaan Ibraahim (Xubin)

10- Marwo Sahra Maxamuud (Xubin)

11- Marwo Canab Axmed Cilmi (Xubin)

Wareegtada ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho looga dalbaday in Guddigaani Farsamo uu kala shaqeeyo waajibka ay Wasaarada u igmatay.

Guddi-farsamo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com