XOG: Xassan Sheekh & Guuleed oo arrimo qabiil isku Khilaafsan

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo madax-banaan ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu iminka ka dhex curtay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Khilaafka labada mas’uul ayaa la sheegayaa inuu soo jiitamaayay ku dhawaad muddo Seddex Asbuuc ah, iyadoo uu khilaafkaasi ka dhashay arrimo salka ku haya qabiil.
Khilaafka ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xassan Sheekh uu si cad u diiday in Taliyaha Sirdoonka iyo Nababsugida Qaranka uu u magacaabo shaqsi uu watay C/kariin Guuleed oo kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir.

Madaxweyne Xassan ayaa diiday in xilka NISA uu u dhiibo shaqsigaasi oo la sheegay inaanu sumcad ku dhex laheyn arrimaha Siyaasada Somalia, hayeeshee waxa uu go’aankaasi uu qaatay Xassan Sheekh xanuun jiyay Guuleed oo isaga markii danbe xariga u jaray Madaxweyne Xassan Sheekh.
C/kariin Guuleed ayaa aad kaga soo horjeeda in xilka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida loo magacaabo Gen. Gaafow, waxa uuna horay u qorsheeyay in xilkaasi loo dhiibo Nin qurba joog ah oo kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir Ceyr.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Khilaafka labada mas’uul uu qeyb ka ahaa Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid oo isagu Xassan Sheekh usoo jeediyay in xushmada lasiiyo Gen. Gaafow oo wax tarkiisa muuqday.

Guuleed ayaa sidoo kale, Madaxweyne Xassan Sheekh usoo jeediyay in Ninka uu wato loo magacaabo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo iminka si KMG ah usii hayo Taliyaha NISA Gen. Gaafow, hayeeshee Xassan Sheekh ayaa mar kale diiday in shaqsigaasi uu watay Guuleed loo dhiibo xilka Magareeshinka.

Sidoo kale, Khilaafka labada mas’uul ayaa sii xoogeystay kadib markii Madaxweyne Xassan Sheekh uu Digreeto ku magacaabay Taliye ku-xigeenka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida xil kaasoo loo magacaabay Ismaaciil Cusmaan, sidoo kale waxaa xilkaas la wehliya dhinaca Tiknoolijiyada iyo la dagaalanka Argagixisada.

Guuleed ayaa diidmada uu kala kulmay Xassan Sheekh kadib isku dayay in Saaxiibkii loo magacaabo xilka iminka loo dhiibay Ismaaciil Cusmaan, nasiib darro waxaa halkaasi kusii xumaaday xiriirka labada mas’uul.

C/kariin Guuleed ayaa guul daro kula laabtay Beeshiisa ka dib markii uu ku hingoobay xilkii uu la raadinayay, waxaana uu si cad u sheegay in dowlada ay kasoo horjeedo masiirka Beesha Habar-Gidir.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Madaxweyne Xassan Sheekh iyo C/kariin Guuleed ayaa imaanaya xili dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana Xassan Sheekh uu ku guda jiro kasbashada Beelaha kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com