Daawo Sawirrada: SOOMAALIYA oo MARAAKIIB dagaal yeelatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo burburkii ka dib dowlada Soomaaliya ayaa heleysa maraakiib dagaal kuwaasi oo ilaalinaya xeebaha dalka Soomaaliya, loogana maarmi doono maraakiibta ajaaniibta ah ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya, walow ay sharci la sameeyay ku joogaan.

Dr Cali Saciid Faqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub ayaa tagay magaalo ku taala dalka Holland oo lagu soo bandhigay maraakiib cusub oo dowlada Soomaaliya ay leedahay si ay u ilaaliyaan xeebaha dalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa wuxuu arin guul ah ku tilmaamay in sanado kadib dowlada Soomaaliya ay heshaa maraakiib ilaalineysa xeebaha dalka Soomaaliya oo calanka Soomaaliya uu ka dul babanayo.

Maraakiibta ayaa gaaraya ku dhawaad 6 markab, waxaana la doonayaa iney dhawaan soo gaaraan xeebaha dalka Soomaaliya si ay ilaalinta xeebaha kaga qeyb qaataan.

1 2 3 4 5